Arday tiradoodu gaadhayso 950 oo xaflad wacyi gelin ah loogu sameeyey Jaamacada gollis
waxaa sanadkan iska diiwaan geliyey Jaamacada Gollis arday tiradoodu dhan tahay 950 arday, ardaydaasi waxaa xaflad loogu sameeyey Hall ka jaamacada Gollis.
Xafladaasi oo lagu wacyi gelinayey ardaydii cusbayd ee sanadkan bilawday jaamacada. waxaa ay ardaydaasi ka koobnaayeen 9 kuliyadood oo ka tirsan jaamacada, waxaana halkaasi ka hadlay madaxda ama hormoodyada kuliyadaha kala duwan ee jaamacada gollis. waxaa isaguna ka hadlay hormoodka arimaha akaadamiyada iyo ardayda oo isaguna ku dheeraaday wacyi gelinta ardayda iyo bixinta talooyin iyo tusaalayaal wax ku ool u noqon kara ardayda.
November 13, 2011
|
Posted by admin
Categories:


